Select Page

Golaha Guurtida oo Warbixin ka Dhegaystay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Golaha Guurtida oo Warbixin ka Dhegaystay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Hargeysa (HargeisaWaterAgency)- Mudanayaasha Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan xog-waraysi ah la yeeshay masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Hargeysa shalay.

 

 

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Maxamed Cali Axmed (Daarood) oo ay wehelinayeen saraakiil ka tirsan hay’adda UN-HABITAT oo gacanta ku haysa mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey heerarkii kala duwanaa ee wakaaladdu soo martay iyo horumarka ay ku tallaabsatay dhowrkii sannadood ee u dambeeyey.

 

Maareeye darod 2

Ugu horreyn, Maareeye Daarood, ayaa mudanayaasha Guddida Joogtada ah ee Guurtida warbixin dheer ka siiyey xaaladda biyaha magaalada Hargeysa iyo dedaallada ay wakaaladdu ugu jirto in shacabka caasimaddu helaan fiyo ku filan.

“Biyuhu waa shayga ugu horreeya ee loogu baahida badan yahay nolosha ee aan laga maarmin maalinnaba iyo daqiiqadnaba qofkii nool iyo kii geeriyoodayba iyo kii dhashayba dhammaantood u baahan yihiin.

maareeye darod sax3

Wakaaladda Biyaha Hargeysa biyaha ay siiso magaalada oo 1982kii dawladda Shiinuhu inoo samaysay. Xilligaas waynu ognahay dadka ku noolaa Hargeysa waxay ahaayeen dad tiradoodu aad u yar tahay. Marshuuca waqtigaas markii la qaabaynayey, waxa loogu talogalay dad tiradoodu 200,000 kun hoos uga yar, laakiin aanay dhaafin.

Caasimadda waynu wada ognahay oo dadka ku nooli waxay cago-cageynayaan amaba kor ay u dhaafaan hal milyan oo qof sida lagu sheegayo. Halkaa milyan ee qof koboca ku socda sannadkii waxa la yidhaahdaa waxay korayaan 3.5% ayey tirada shacabka reer Hargeysa korayaan. Markaa waa qiyaasaha ay sameeyeen qolooyinka nala shaqeeya oo weliba la leeyahay way hoosaysaa,” ayuu yidhi Maareeyaha Biyaha Hargeysa.

 

Mareeye darod 5

“Hargeysa waxa ka socda koboc ballaadhan oo dhinicii dhismaha ah oo magaaladu way fidaysaa oo waad arkaysaan dhaaraha dhaadheer oo ay soo kordhaysaa maalin kasta. Sidaas oo ay tahay Wakaaladda Biyaha Hargeysa waa inay kobocaas la socoto oo la korodho.”

 

Mr. Daarood oo ka warramayey heerarka uu soo maray mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda, waxa uu sheegay, “Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxay dhowrkii sannadood ee u dambeeyey waday mashaariic biyo ballaadhineed oo waaweyn, mashaariicdaas oo in muddo ahba laga dhursugayey oo aan aaminsannahay maanta ujeeddada aad noogu yeedheen iyagaa lafdhabar u ah inaad wax naga weydiisaan.

m darod 4

Mashaariicdaas waxa inoo maalgeliyey Midowga Yurub, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Mashruuca aan ka hadlayo ee ugu weyn waa Mashruuca Biyo-ballaadhinta Hargeysa (HUWSUP) oo ah in nidaam cusub oo biyood loo soo dhiso caasimadda laga soo bilaabo Geed-deeble, iyada oo la dhigayo beeb weyn oo 23km, lana qoday ceel cusub.

Mashruucan waxa gacanta innoogu haysa maamulkiisa guud hay’adda UN-HABITAT oo uu innagala jooga Maxamed Faarax Cismaan oo madax ka ah mashruuca Hargeysa, mashaariicdana la socda. Mashruucan fulintiisa waxa iska leh shirkad Ethiopian ah oo ku guuleystay berigii hore oo la yidhaa AWASH, kormeerka iyo dabagalka mashruucana waxa iska leh hay’ad Jarmal ah oo loo yaqaanno Fitner Water and Transportation.”

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha oo faahfaahinayey mashaariicda biyo-ballaadhan ee ka socda gudaha caasimadda Hargeysa, waxa uu yidhi; “Magaalada gudaheeda laba mashruuc oo waaweyn ayaa jira; mid waxa maalgelisay dawladda Germany oo ah in habkii biyaha magaalada gudaheeda loogu qaybinayey la sameeyo oo caasimadda oo dhan lagu wada gaadhsiinayo, midna waxa maalgelinaya CocaCola African Foundation.

Labadaas mashruuc oo is-dhammeystiraya, ayaa magaalada Hargeysa biyaha wada gaadhsiin doona koonayaasheeda oo dhan, iyaguna meel fiican ayey inoo marayaan. Coca Cola wuu inoo bilaabmay oo saddexdii barkadood ee laga dhisayey Maxamuud Haybe iyo Axmed-dhagax, inay cid idinkala socoto mooyaanee shaqadoodii way socotaa oo barkadihii qoditaankeedii iyo dhagax-dhiggii baa lagu bilaabay laga soo bilaabo bishii March 2017.

 

Kan Jarmalka isaga waxaannu ku jirnaa shirkadihii qiimeeyntoodii iyo kala saaristoodii ciddii fulin lahayd, waana mashruuc weyn. Jarmalku waxa uu laba barkadood waaweyn innooga dhisi doonaa halka barkadihii hore ee Shiinaha, waxana barkado cusub laga dhisi doonaa Maxamuud Haybe, Axmed-dhagax iyo mid cusub oo Karinta Daami laga dhisi doono, mid kalena Maansoor dabadeeda; taas waxa inoo dhisi doona shirkadda Coca Cola.

Sidoo kale, CocaCola waxay dhisi doonaan saddex barkadood oo ka sii dambeyn doona kuwan Axmed-dhagax iyo Maxamuud Haybe iyo barkad kor u kacsan oo madaarka agtiisa ah oo meelaha buurta ah gaadhsiin doona biyaha, kaasi waa magaalada gudaheedii.

 

mareeye darod 7

Waynu ognahay nidaamkeena hadda jira ee biyaha magaalada aynu haynaa, waxa loogu talogalay dad gaadhaya 20% dadka ku nool caasimadda iminka, isla mar ahaantaanna xilligii la sameynayey Shiinaha iyo nidaamkaas, maaha mid laga sii fikiray inay dhici doono xilli ay magaaladu aad u ballaadhato oo loo baahan doono in biyihii xaafadihii loo kala qeyb-qeybiyo oo mid qorshaha ku jira ma’uu ahayn, waa sababta keenay in magaalada qeyb ka mid ahi biyo ku filan helaan, qeybaha qaarna aan laga arag biyaha,” ayuu yidhi Maareeye Daarood.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaa ka hadlay Madaxa Mashruuca Biyo-ballaadhinta Md. Maxamed Faarax Cismaan iyo Ingineerka Wakaaladda Biyaha Hargeysa u qaabilsan mashruucaasi, ayaa ka xog-warramay waqtiyadii kala duwannaa ee uu soo maray mashruucani iyo inta u hadhsan mashruucan.

Intaa kadib, qaar ka mid ah Mudayaasha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida – Somaliland ka-weydiiyeen su’aalo kala duwan oo ku saabsan mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa waydiiyeen Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Md. Maxamed Cali Daarood, waxa ka mid ahaa:

S: Mashruucaa biyo-ballaadhinta ah Hargeysa waa helaysaa, sida Maareeyuhu u sheegayna dee dadkii Hargeysa joogi jiray wax yar buu ahaa oo iminka dadku dadkii waa ka bateen oo halkii loogu talogay Wakaaladdii Biyuhu waxba ma gaadhsiin karto mashruucaas oo la helo mooyaane. Su’aashaydu waxa weeye bal goorma ayuu isku xidhmayaa mashruucaasi oo uu Hargeysa soo gaadho?

Maareeye Daarood: Marshuuracan ama beebka dheer ee la soo dhigayo 1.8kms oo ah 2km oo wax dhiman oo 200mitir la’, waanna wax yar runtii. Sidoo kalena, mashruuca waxyaabaha dib u dhigay muddooyinkii la soo dhaafay waxa ka mid ah, dhul badan oo la is-lahaa dhul-jilicsan oo ka soo baxay dhul dhagax ah, waddankeenana waa mamnuuc in la isticmaalo oo loo adeegsado qarax, haddii la oggol yahay way fududaan lahayd.

Ma beeb-lines-ka, mise mashruuca oo dhammeystiran? Mashruuca oo dhammeystiran lacagta wax baa innaga maqnaa, midda aan doonayo in aan idin dareensiiyaana maanta waa taas.

S: Biyaha in October la helayo ma kaa go’an tahay haddii aad sii joogto Wakaaladda? Ta kale, shirkadda Itoobiyaanka ah ee aad sheegtay wax dhallinyaradeenii ahi kama shaqeeyaan ayaad tidhi, taasina waa mid wiiqeysa Somalilandnimadeena?

Maareeye Daarood: Maanta waynu qiyaasi karnaa runtii dad in badan wax qabsaday, in badanna dedaalay, laakiin wax badan baa innaga dhiman. Waxa innaga dhiman waxa ka mid ah weli ictiraafkii ma hayno oo isagaana wax badan suurogeliya, lacagtan iminka hay’aduhu inoo maamulayaan may ahayn inay inoo maamulaan oo qaadhaan-bixiyeyaashu waxeenna inay toos inoo siiyaan bay ahayd oo innagu hawsheenna fushanno. Markaa arrintaas la mid ba way keenaysaa; ictiraafkeenii weli maynaan helin, midda labaad ee keenayaanna waxa weeyaan, dee koboc baynu ku jirnaa, xaggii aqoont

 

WARIYE SICIID XUSEEN YUUSUF HargeisaWaterAgency

 

About The Author