Select Page

Somaliland oo Heshiis ku Kacaya $5 Milyan Oo Qeyb ka ah Mashuura Biyo-ballaadhinta Caasimadda la Gashay Shirkadda SBI CocaCola – Africa

IMG_2519Somaliland oo Heshiis ku Kacaya $5 Milyan Oo Qeyb ka ah Mashuura Biyo-ballaadhinta Caasimadda la Gashay Shirkadda SBI CocaCola – Africa


 

SAWIRKA

Hargeysa (HWA)- Xukuumadda Somaliland ayaa heshiis ku kacaya shan milyan la gashay shirkadda SBI CocaCola Africa oo qeyb ka noqonaya mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa, kaas oo loogu talogalay in biyaha lagu gaadhsiiyo xaafadaha cusub ee ku kordhay magaalada Hargeysa

Heshiiskan oo qeyb ka ah mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa, waxa xukuumadda Somaliland u kala saxeexay Wasiirrada Madaxtooyada, Qorsheynta Qaranka, Khayraadka Biyaha, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa  iyo Mas’uulka shirkadda SBI CocaCola Somaliland.

Heshiiskan oo ka dhacay xarunta guud ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa ahna mid laba dhinac ah, waxa

ugu horreyn halkaa ka hadlay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, kaas oo faahfaahin ka bixiyey heshiiskan iyo faa’iidada uu u leeyahay biyo-ballaadhinta caasimadda Somaliland,

“Waxaynu halkan ku saxeexi doonaa bar-bilawga mashruucan ka mida biyo-ballaadhan caasimadda Hargaysa waxanna ku baxaya lacag qadarkeedu dhan yahay $5,000, 000 oo dollar oo ay maalgalinayso (Coca-Cola Africa foundation oo ay fulinteeda wada yeelan doonaan Teresa Daley oo uu innaga la joogo Musaim iyo Wakaaladda Biyaha Hargaysa. Maanta waxaynu halkan ku wada sexeexi doonaa waraaqda heshiiska oo kalsooni buuxda siin doona Coca-Cola Africa Foundation oo malgalinaysa mashruucan dawalada Somaliland ay kagona tahay in uu mashruucani hirgalo kuna garab istaagto,” ayuu yidhi Maareeye Daarood.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa ujeeddada heshiiskan ka xog-warramay asbuucan ay xukuumadda iyo shirkadda SBI CocaCola Afrika wada galeen, waxannu hadalkiisa ku bilaabay; “Waxannu u mahadnaqaynaa shirkadda SBI CocaCola oo maanta halkan inoo keentay heshiis ku kacaya shan milyan oo doollar ay fulin doonaan, waayo biyuhu waa udub-dhexaadka nolosha, bani’aadamkuna ma noolaan karo biyo la’aan, iyada oo laga duulayo, taas muhiimada ay xambaarsan yihiin biyuhu.

Xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo markii ay taladan haanneeday, waxannu daraasad ku sameynay oo soo baxday in magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa oo maanta ay bulsho urursani ku nool yihiin oo ilaa malyuun iyo dhowr boqol kun oo qof dhibaatada ugu weyn ay ka jirto biyo la’aan.

Mas’uuliyad weyn baa ka saaran dawladda dadka intaa le’eg ee meel ku urursan ee dhibaatada ugu weyn aanay ahayn caafimaad la’aan, wax kale ee dhagaxa xun iyo waddo la’aanta waa lagu noolaan karaa, laakiin biyo la’aan laguma noolaan karo.

Markaa ka xukuumad ahaan biyaha waxaannu u aragnay inay yihiin mudnaanta ugu horreysa ee waajibku naga saaran yahay in aannu baadi-doon u galno, kadibna yabbooh baannu sameynay oo dunida ayaannu maqdarad u dhiganay, annaga oo ku qancinay in mashuuraca maanta ugu weyni ee magaalo-madaxa dalku tahay biyo-ballaadhin,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxaan ku hambalyeynayaa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood dardargelinta hawshii wakaaladda iyo waxqabadka muddada labada bilood ee uu xafiiska joogay, waanna xilkii saarnaa. Qofka mas’uuliyadda saaran waxa muhiim ah inuu sida waajibku yahay u guto, marka uu ummadda daacadnimo ugu shaqeeyo ee sidaa u guto xagga Illaahayna waxa uu ka helayaa ajar, waayo xisaab Allena way ka dembeysaa, xisaabtii dadkii uu mas’uulka ka ahaanna way ka dambeysaa, labadaa xisaabood baa meesha yaal, waannan u mahadnaqayaa oo waa xil-saaran.” Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kale u mahadnaqay dawladaha la saaxiibka ah Somaliland ee ka caawiya mashruuca biyo-ballaadhinta ah.

Ugu dembeyn, waxa iyaguna halkaa ka hadlay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Aaden (Qabyatire), Wasiirka Wasaaradda biyaha Somaliland Xuseen Cabdi iyo wakiilka shirkadda SBI CocaCola, kuwaasoo ugu baaqay bulshada inay soo dhaweeyey biyo galinta caasimadda iyo doorka ay ka qaadatay Shirkad Coca Cola SBI, waxanay ballanqaadeen inay ku guulaysan doonaan dhammaystirkiisa.

 

WARIYE SICIID XUSEEN YUUSUF

HWA MEDIA  OFFICE

About The Author