Select Page

“Waxaan ku Hambalyeynayaa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Md. Maxamed Cali Daarood Dardargelinta Hawshii Wakaaladda iyo Waxqabadka Muddadii labadii bilood ee uu xafiiska joogay ku soo kordhiyey”..

“Waxaan ku Hambalyeynayaa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Md. Maxamed Cali Daarood Dardargelinta Hawshii Wakaaladda iyo Waxqabadka Muddadii labadii bilood ee uu xafiiska joogay ku soo kordhiyey”..

???????????????????????????????????????????????????????????????????????? “Waxaan ku Hambalyeynayaa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Md. Maxamed Cali Daarood Dardargelinta Hawshii Wakaaladda iyo Waxqabadka Muddadii labadii bilood ee uu xafiiska joogay ku soo kordhiyey, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi

 

 

Hargeysa(HWA) Wasiirka madaxtooyada Somaliland Oo ayaa, siweyn ugu hambalyeeyey Maareeyahay Wakaalada biyaha hargeysa Maxamed Cali Daarood Wax Qabad Muuqda Oo uu mudo kooban ka hirgaliyey wakaalada Maareeyaha oo ugu

 

horayn halkaasi ka hadalay waxuu yidhi “runtii waxaan joogaa mudo lab bilood ah waxaan ka duulay baahiyaadkii jiray oo runtii mishiinad had biyaha soo saaraa way gaboobeen oo inta badan cilad baa ku dhacad waxaa khasnag noqtay inaanu soo ii bino injiinkaasi waayo caasimadii baa ku tiirsan gaadhigaasi labadaasi gaadhi mid waxaanu ugu talo galnay biyo soo saarka iyo kormeerka mashaariicda gaadhigaasi kalena waxaanu u iibinay shaqaalaha xarunta waayo mararka qaar waxaa dhacaysay inuu gaadhi maareeyuhu uu kol geedeeble tagi jiray marn shaqaalaha qaadi jiray waa hawul noo qabsoomtay oo ay fuliyeen shaqaalaha wakaalad biyaha hargeysa oo aan aad iyo ad ugu mahad celinaayo

Wasiirka wasaarada Madaxtooyad maxamuud Xaashi Cabdi Oo Halkaasi ka hadalay ayaa, siweyn ugu hambalyeeyey maareye maxamed Cali daarood wax qabadka uu mudad kooban hirgaliyey waxaanu yidhi “Waxaan ku hambalyeynayaa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Md. Maxamed Cali Daarood dardargelinta hawshii wakaaladda iyo waxqabadka muddadii labadii bilood ee uu xafiiska joogay ku soo kordhiyey, waanna xilkii saarnaa. Qofka mas’uuliyadda saaran waxa muhiim ah inuu sida waajibku yahay u guto, marka uu ummadda daacadnimo ugu shaqeeyo ee sidaa u guto xagga Illaahayna waxa uu ka helayaa ajar, waayo xisaab Allena way ka dembeysaa, xisaabtii dadkii uu mas’uulka ka ahaanna way ka dembeysaa, labadaa xisaabood baa meesha yaalla, waannan u mahadnaqayaa oo waa xil-saaran,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaannu intaa ku daray, “Waxaan iyagana u mahadnaqayaa dawladaha aynu saaxiibka nahay ee innaga caawiya mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda oo runtii la’aantood aanay inoo suurtagasheen oo qorshaha hammiga iyo yoolka ah ee aynu sameynay waxba kuma yimaaddeen haddayna ina caawin. Annagu qorshihii ayaannu sameynay, waananu u yabooh-tagnay, iyaguna maalgashigii bay keeneen aad baananu ugu mahadnaqaynaa, shirkadda SBI oo aannu iyadana halkan xaflad heshiis ugu qabanay waannu u mahadnaqaynaa, dhammaanteena waxa innagu waajib ah in aynu xilka sidii uu yahay u gudanno oo aynu dedaalka sii kordhinno.”

Sidoo kale, Wasiirka Madaxtooyada waxa uu iyagana halkaa uga mahadnaqay dedaalka ay wadaan mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha ka hawlgala Wakaaladda Biyaha Hargeysa, kaas oo xusay inay sii dardargeliyaan hawlahooda waxqabad, waxannu yidhi; “Sidoo kalena shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Hargeysana waannu u mahadnaqaynaa dedaalka ay wadaan ee la shaqeyntooda iyo mas’uuliyadooda, dhammaantoodna Illaahay ha garab-galo.

 

Wariye siciid Xuseen Yuusuf

HWA : OFFICE

SICIIDM2090@GMAIL.COM

About The Author