Select Page

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti ka socda Dawlada Jarmalka iyo Hayado Dawlada Jarmalka u qaabilsan horumarinta

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay   Wafti ka  socda Dawlada Jarmalka iyo Hayado Dawlada Jarmalka u qaabilsan horumarinta

wft5wf4wf1
wf1Maareeyaha Daarod iyo waftiga jarmalka

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Qaabiley Wefti Jarmal ka Socda ee Wada Mashruuca Biyo-qeybtinta Caasimadda Somaliland

Hargeysa (HWA) Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood ayaa shalay wefti ballaadhan oo ka socday dawladda Jarmalka ku qaabilay hoolka shirarka ee xarunta Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Weftigan oo qeyb ka ahaa  hay’addaha dawladda Jarmalka u qaabilsan dhinaca horumarinta iyo deeqaha oo ay horkacayeen, Andres oo ka tirsan wasaaradda u qaabilsan dawladda Jarmalka dhanka iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarka, Merryos oo arrimaha nabada la-taliye uga ah, Andries Holcot oo Jarmalka uga mas’uul ah dalalka bariga ah bangiga horumarinta iyo Sonya oo iyaduna dawladda Jarmalka u qaabilsan Somalia iyo Somaliland, ayaa Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa, kulankaasi kadib ka warbixiyey mashaariic kala duwan oo ay dalka ka fulin doonaan,

“Waxa innala jooga wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Jarmalka iyo hay’addaha u qaabilsan dhanka horumarinta iyo deeqaha, kuwaasoo dhammaantood u joogga mashaariic muhiim ah oo ay nagala wadaan waddanka. Mashaariicdaas oo uu ugu weyn yahay ka biyaha, biyo-gelinta caasimadda oo runtii ah mashruuca ugu ballaadhan ee laga hirgelin doono Hargeysa oo dhanna la gaadhsiinayo.

Habkii biyo-gelinta, degmooyinka caasimadda mid kasta laga dhiso barkad weyn oo cusub, oo markaasi wixii biyo ah ee soo gaadha si isku mid ah oo is le’eg ay u heli doonto,” ayuu yidhi Maareeye Daarood, waxaannu intaa ku daray, “Mashruuca biyaha caasimaddu waa mashruuc ballaadhan ee dawladda Jarmalku nala wado. Dawladda Jarmalka iyo hay’addaha la shaqeeya dhammaantoodba, waxay Somaliland ula shaqeeyaan qaab ka duwan, sida ay noola shaqeeyaan hay’addaha kale ee UN-tu, oo qaab toos ah oo iskaashi ah ayay noola shaqeeyaan hay’addaha Jarmalku. Tusaale ahaan, kuwa Jarmalku waxay hay’addaheena u hirgeliyaan go’aan qaadashada oo innagu aynu hoggaamino qaabkii mashruuca loo maamuli lahaa.”

Waxa kale, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood uu ka dhawaajiyay inuu meel wacan maraysa mashruuca dhinaca biyo ballaadhinta caasimadda Somaliland ee dawladda Jarmalku ku deeqday, isla markaana ay hadhsan tahay qaybta qandaraaska oo dhammaadka sannadkan aynu ku jirno ee 2017-ka la dhagax-dhigi doono, kaas oo socon doona muddo saddex sanadood ah, isaga oo arrintaas ka hadlaya waxa uu  yidhi; “Mashruucani waa mashruuc socon doona muddo saddex sanno, kaasi oo runtii ah mid aad u muhiim ah, meel fiican maraya, imminkana ay tahay in la galo qandaraaskii la sameeyo, dhagax-dhigiisuna uu noqon doono dhammaadka sannadkan, soconna doona saddex sano.”

Mashraariicda hay’addaha Jarmalku ka fulinayaan Somaliland ayaan ku eekeyn keliya ka  biyo-gelinta caasimadda, balse waxa barbar socda mashaariic ballaadhan oo isagu jira, beeraha oo Wasaaradda Beeraha ay kala shaqeyn doonaan biyo-xidheeno loo sameynayo beeraha iyo Dawladda Hoose Hargeysa oo kala shaqeyn  doonaan dhanka bilicda iyo badqabka caafimaadka bulshada.

“Mashaariicdani waa mashaariic muhiim ah, waxa kale oo ay la shaqeynayaan Wasaaradda Beeraha oo ay kala shaqeynayaan biyo xidheennadii dhanka wax-soo-saarka beeraha, sidoo kale waxay kala shaqeynayaan Dawladda Hoose Hargeysa, oo ay kala shaqeyn doonaan qaabkii qashinka caasimadda loo maamuli lahaa, si loo illaaliyo caafimaadka bulshada,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Mashaariicda dawladdu Jarmalku ugu deeqday dawladda Somaliland qaybta beeraha ayaa dhaqaalaha ku baxaya kor u dhaafayaa ilaa kow iyo soddon Milyan oo Yuuro, halka qaybta ka Wakaalad Biyaha ahaan mashruuceedu yahay ilaa dhawr iyo labaatan Milyan oo Yuuro,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Ugu dambeyn, madaxda weftiga ka socday dawladda Jarmalka oo halkaasi kelmado kooban ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay isla markaasina sheegay inay ku faraxsan yihiin inay dalka jamhuuriyadda Somaliland yimaadaan, oo ay mashaariic ay dawladda Jarmalka uga sidaan u keenaan, iyagoo sheegay inay qorshayaal ay isula af-garteen kulankaasi ay la yeesheen Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

 

IMG_0817.jpg
IMG_0829.jpg
IMG_0834.jpg
IMG_0836.jpg
IMG_0838.jpg
IMG_0888.jpg
IMG_0898.jpg
IMG_0901.jpg
IMG_0905.jpg
IMG_0910.jpg
IMG_0918.jpg
IMG_0920.JPG
IMG_0922.jpgDear Mohamed,

Wariye siciid Xuseen Yuusuf

Siciidm2090@gmail.com

Siciid4@yahoo.com

SOMTEL ; 0654461316

About The Author