Select Page

Wasiirka Madaxtooyada Iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa oo Dhagax Dhigay Barkadii Afraad Ee Loogu Talo Galay Kaydka Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa

Wasiirka Madaxtooyada Iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa oo Dhagax Dhigay Barkadii Afraad Ee Loogu Talo Galay Kaydka  Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa

dhagax dhigaHargeysa (HWA- Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ay wehelinayaan Wasiirrada Qorsheynta Qaranka iyo Madaxtooyada Somaliland, ayaa si rasmi u dhagax- dhigay berkad cusub oo ka mid noqon doonta mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Somaliland shalay, taas oo laga hirgeliyey xaafadda Gantaalaha ee buuraha dhanka woqooyi kaga beegan  magaalada Hargeysa.

Dhagax-dhigga berkaddan cusub oo qeyb laxaad leh ka qaadan doonta  biyo-ballaadhinta caasimadda, gaar ahaan dhinaca biyo-qeybta oo muddooyinkii ugu dambeeyey maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa si weyn dhexda ugu xidheen, isla markaana u hirgelin lahaayeen inay bulshada ku dhaqan caasimadda Somaliland ka haqab-tiraan biyo ku filan ay helaan.

Munaasibaddii loo sameeyey dhagax-dhigga berkaddaas oo ay maalgelisay Shirkadda Coca-cola African Foundation, isla markaana hirgelinayso shirkadda SBI, waxa ka qeybgalay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Md. Maxamed Aadan (Qabyo-tire), Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirul-dawlaha Khayraadka Biyaha, Guddoomiyaha Guddiga Wakaaladda Biyaha Hargeysa Drs. Adna Aadan Ismaaciil,  masuuliyiin ka kala socday shirkadda Coca-cola iyo shirkadda SBI, Injineerada iyo guddiga ku hawlan biyo-ballaadhinta caasimadda Somaliland.

Ugu horreyn, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Maxamed Cali Daarood oo halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay in aanay ka fadhiisan doonin ilaa bulshada Hargeysa ku dhaqan ay labada gacmood biyaha ku cabbaan, isla markaana sii dardargelin doonaan shaqooyinka ay horeba u soo hayeen.

“Berkaddan maanta (shalay) aynu halkan u joogno oo ah berkaddii afraad ee laga dhisayo magaalada Hargeysa. Waayo, waxa qorsheysnaa, Coca-cola African Foundation inay dhisto afar berkadood, saddex berkadood hore ayey u bilaabmeen oo waxay ka bilaabmeen Axmed-dhagax iyo Maxamuud-haybe. Middi waa buurta Ina Naxar, midna waa Masalaha, midna waa halka Siinga-siingaha la odhan jiray. Saddexdaas dhismahoodu hore ayuu u socday, waxaanna inoo dhisaysay shirkaddan qandaraasyada ah ee la yidhaahdo Terri Solidali (TS). Maanta waxaynu joognaa xaafadda Gantaalaha ee Ibraahim-koodbuur, waanna berkaddii afraad ee dhismaysa. Guud ahaan, magaalada waxa u qorsheysan in laga dhiso berkado fara badan oo sagaal gaadhaya, shan waa mashruuca Jarmalka, afarna waa mashruucan ee uu maalgeliyo Coca-cola African Foundation,” ayuu yidhi Maareeye Maxamed Cali Daarood, waxannu intaa ku daray; “Mashruucani waxa uu qeyb ka yahay mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa oo loogu talogalay inay ka faa’iideystaan dad lagu qiyaasay ilaa toddoba boqol oo kun oo qof oo kala degan xaafadaha; 26ka June, Ibraahim-koodbuur, Axmed-dhagax, Maxamuud-haybe iyo Gacan-libaax.

Mashruuca biyuhu waa mashruuc ballaadhan, waa mashruuc ka kooban qeybo badan oo laakiin is-dhammeystiraya. Marka qeybahaasi isku wada dhacaan ee ay dhammeystirmaan, ayuu noqonayaa mashruucu mid si fiican shaqeeya, oo waxaynu ognahay mashruuceenii Geed-deeble inuu isagu gebogebo ku dhaw yahay, isla markaana ahaantaas waxyaabihii ka dhinnaa sidii isku xidhka ceelka iyo beebka la dhisayo oo markii hore maqnaa in maalgelinteedii badankeedii iminka ka helay.”

Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa yidhi; “Runtii mashruucani waa mashruuc dhawr iyo labaatan milyan oo doollar ah, ayaa siyaasadda dawladda ay ka mid tahay inay biyo ku hesho magaalada Hargeysa. Si fiican ayuu u socdaa, meel fiicanna wuu marayaa.”

Waxa kaloo halkaas hadal ka jeediyey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Khayraadka Biyaha oo si xoogan ugu mahadceliyey cidkasta oo gacan iyo taageero dhaqaale ka gaysatay mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa.

“Runtii mashruucani waa mashaariicda ugu waaweyn ee dawladda Somaliland ka qeybqaadatay ee biyo-ballaadhinta magaalada Hargeysa, waxaanna maalgelinaysa oo gacanta ku qabtay Coca-cola oo aan aad ugu mahadnaqayo dedaalka dheeraadka ah shirkaddaasi sameysay. Waxaanan kula talinayaa shirkadaha kale ee Somalilanderka ahi inay ku daydaan oo ay ka qeybqaataan horumarka dalkooda,” ayuu yidhi Wasiirul-dawluhu.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee hagta Wakaaladda Biyaha Hargeysa Drs. Adna Aadan Ismaaciil oo iyaduna halkaa ka hadashay, ayaa tidhi; “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsannahay horumarka laga gaadhay biyo-gelinta caasimadda Hargeysa. Haddii aannu nahay guddiga madaxbannaan ee hagta Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxa naga ballan ah sidii aannu ula socon lahayn, isla markaana danta dadweynaha dhinacooda u illaalin lahayn, ayaa annagana ay naga go’an tahay.”

Ugu dambeyn, Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaa ka hadlay, ayaa hoosta ka xariiqay maraaxilkii kala duwanaa ee uu la soo maray mashaariicdan hadda hirgelintooda ay socdaan ee la xidhiidha biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa.

Sidoo kale, Wasiirka Madaxtooyada waxa farriin adag u diray dad buuraha qoda oo saameyn ku keeni kara berkadahan la saaray ee biyo-ballaadhinta Hargeysa, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna yidhi; “Waxaannu xog-ogaal ka nahay buurahan hoostooda ayaa la qodaa, dad baa ka ganacsada, dhagax ka gooya, waa reebban tahay arrintaas iyada ah waa mamnuuc.”

Berkaddan oo casri ah, ayaa noqonaysa berkaddii afraad ee shirkadda Coca-cola African Foundation ay ka hirgeliso daafaha magaalada Hargeysa, si ay qeyb uga qaataan sidii ay biyo ku filan u heli lahaayeen bulshada ku dhaqan caasimadda Somaliland oo tiro ahaan lagu qiyaaso hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qof.

Wariye siciid Xuseen Yuusuf

Siciidm2090@gmail.com

Siciid4@yahoo.com

Tell : TELESOM : 0634461316

SOMTEL ; 0654461316

 

About The Author