Select Page

Somaliland : Wakaaladda Biyaha Hargeysa  oo Soo Bandhigtay Qalab Muhiim u Ah Biyo Soo Saarka Caasimada iyo Horumarinta Tayada Adeega 

Somaliland : Wakaaladda Biyaha Hargeysa  oo Soo Bandhigtay Qalab Muhiim u Ah Biyo Soo Saarka Caasimada iyo Horumarinta Tayada Adeega 

Wakaaladda Biyaha Hargeysa  oo Soo Bandhigtay Qalab Muhiim u Ah Biyo Soo Saarka Caasimada iyo Horumarinta Tayada Adeega

Wakaaladda Biyaha Hargeysa  oo soo Bandhigtay Qalab Muhiim u ah Biyo-soo-saarka Caasimadda iyo Horumarinta Tayada Adeega

Hargeysa (HWA)- Maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa soo bandhigtay qalab isugu jira mishiino iyo bamamka biyaha soo tuura, kuwaas oo wax weyn ka tari doona biyo-soo-saarka magaalada Hargeysa.

Qalabkan cusub ee ay soo iibsatay Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo lagu soo bandhigay xarunta Wakaaladda maanta (08/12/2020, waxa munaasibaddii lagu soo bandhigayey ka qaybgalay Maareeye-ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa Cismaan Cabdillaahi Hirad, Madaxa Biyo-soo-saarka Mr. Sayid Cabdi Jimcaale iyo Eng. Khaliif oo ka mid ah ingineerada Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Ugu horreyn, waxa hadal ka jeediyey Maareeye-ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mr. Cismaan Cabdillaahi Hirad oo ka warramay qalab ay soo iibsatay Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo waxyaabaha ay ka tari doono hawlihii biyo ballaadhinta.

“Qalabkan aannu soo iibsanay waa qalab Jarmal ah oo casri ah oo ah oo noocyadii ugu dambeeyey ee adduunka iminka lagu isticaalo ah oo raandhiiskooduna aad u fiican yahay oo uu shaqayn doono waqti dheer haddii Alle yidhaa, haddii ayna wax kale ku dhicin ama masaa’ibi ku iman,” ayuu yidhi Maareeye-ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa Cismaan Cabdillaahi Hirad, waxaannu intaa ku daray; “Markaa waxa aannu rajaynaynaa dadkii hore ee aannu biyaha siin jirnay in aannu biyihii si wanaagsan uga haqabtirno. Waayo, waxa laga yaabaa marka mishiin kaa fadhiisto dad badan oo biyaha aad siin jirtay, ayaa biyihii waayaya maalintaas.

Haddaba, waxa aannu rajaynaynaa inay waxa oo dhammi wada shaqeeyaan oo wax cusub marka meesha la geliyo waqti dheer ayey shaqaynayaan waxa cusub ee la geliyey, kutalogalkayaguna waxa weeeyaan  ma’aha biyo cusub oo aannu keenayno’e, waxaannu ku talogalnay intii hore ee noo iman jirtay ee aynu isticmaali jirnay, in aanay noqonin wax marna la waayo, marna la helo.”

Madaxa Biyo-soo-saarka Sayid Cabdi Jimcaale oo isna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi;

 

“Anigu biyo-soo-saar ahaan aniga oo ka wakiil ah waaxda biyo-soo-saarka aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa Maareeyaha iyo kooxda ka shaqaysayba, waxaanan ku rajo weynahay inay wax weyn ka tari doonto habkeenii (system) hore ee shaqaynayey ayey khusaysaa arrintani. Waayo, ma’aha sidii ingineerku horeba u sheegay habka cusub ma’aha, waa habkeenii hore oo ay inoo shaqaynayeen kow iyo toban bam ah. Maareeyuhu waxa uu keenay toddoba ka mid ah oo hore loo rakibay, afar ka mid ahina waa kuwan iminka taagan, kuweenii hore waxa ka sii jooga afar, afartii lagu beddeli lahaana waa kuwan aynu hor taagannahay.”

 

Waxa kaloo isna goobta hadal ka jeediyey Eng. Khaliif oo ka mid ah injineerada Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxaannu yidhi; “Anigu muddo dheer ayaan soo joogay wakaaladda oo aan ka shaqaynayey, maanta waa maalintii ay ugu rajada roon tahay weeye, haddii la eego mustaqbal ahaan waxa u soo socda iyo haddii ay tahay xaaladda ay maanta ku jirto, waa maalintii ay ugu fiicnayd, halkii ugu fiicnayd ayey maraysaa wakaaladdu, dadkuna samir ha yeeshaan Insha Allaahu way inoo iman doonaan biyo dheeraad ahi, howshiina waa lagu jiraa.”

 

 

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

siciid4@yahoo.com

 

 

 

 

About The Author