Select Page

Somaliland : Wakaaladda Biyaha Hargeysa  iyo Dabdamiska oo is ka Kaashanay Sidii Caasimada Looga Hirgalin Lahaa Dab-bakhtiiyayaal ( Fire hydrants )

Somaliland : Wakaaladda Biyaha Hargeysa  iyo Dabdamiska oo is ka Kaashanay Sidii Caasimada Looga Hirgalin Lahaa Dab-bakhtiiyayaal ( Fire hydrants )

 

Hargeysa( HWA) Shir Balaadhan Oo lagu Lafo Guray Sidii Caasimada loogu Samayn Lahaa goobo ay si fudud biyaha uga qaadan karaan

waqtiga uu dab ka kaco caasimada gaar ahaan goobaha cidhiidhiga ah ee Halbowlaha u ah caasimada sida suuqyada iyo Kaalmaha shidaalka Maareeyaha Wakaalada biyaha Hargeysa Maxamed Cali Axmed (Darod) oo si kooban u sharaxay muhiimada shirkan iyo waxyaabaha diirada lagu saaray waxuu yidhi

“Iyadoo laga duulayo hawsha culus ee Ciidanka Dab-demiska Qaranku u hayaan Dalka. Waxa aanu maanta isla garanay meelaha ay noqonayaan 21 ah goobaha loogu tallo-galay in si fudud biyaha uga qaataan (21-Fire

hydrants)

Ciidanku, xiliyada gurmadka Dab-deminta lagu jiro. waxa goobahan lagu samayn doonaa dhuumaha mara suuqyada waawayn ee cidhiidhiga badan iyo goobaha halista ugu jira in uu dab ka kaco ee

magaalada Hargeysa. Waxa ay tani qayb ka tahay mashruuca hawshiisu hadda ka socoto magaalada Hargeysa.

 

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

siciid4@yahoo.com

About The Author