
Somaliland : Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Shirkadda Razel Water Solutions

Hargeysa (HWA) Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Shirkadda Razel Water Solutions Maareeye Maxamed cali Axmed oo iftiimiyey ujeedka Waftigan iyo hawulaha ay u socdaan ayaa Waxuu yidhi
“Waxa aanu xarunta Wakaaladda kusoo dhawaynay Dominique Gailly, Madaxa Shirkadda Razel Water Solutions oo ka tirsan bahda Shirkaddaha RAZEL-BEC ee laga leeyahay Dalka France. Shirkaddan ayaa laga sugayaa dhamaystirka qaybta kaliya ee ka hadhsan mashruuca Geed-deeble ilaa Hargeysa ee biyogalinta Magaalada. Qalabaynta dhinaca dabka iyo makaanikada (Electro-machanical works) ee xarunta cusub ee biyo-soo-saarka Geed-deeble ayaa ah shaqada ay qaban doonto Shirkaddani..ayuu yidhi Maareeye Maxamed Cali Axmed
Wariye Siciid Xuseen Yuusuf
siciid4@yahoo.com