Select Page

Baahin Shaqo: Kaaliye IT…

Baahin Shaqo: Kaaliye IT…

FAAHFAAHIN KOOBAN

Wakaaladda Biyaha Hargeysa (WBH), si ay u dardar galiso adeegyada ay bixiso una horumariso adeega qalabka isgaadhsiinta ee WBH, waxay qaadantoonta shaqaale ah Kaaliyaha ICT.

MAS’UULIYADAHA LOOGA BAAHAN YAHAY.

  • Ku shubidda, rakibidda iyo dayactirka dhammaan qalabka ICT-ga ee WBH.
  • Isku xidhka qalabka LAN/WAN iyo nidaamyada shaqo (Operating Systems, TCP/IP, Ethernet, VPN, Firewall, DNS, DHCP, iwm.); Ilaalinta, cilad-baadhista qalabka ICT-ga.
  • Leeyahay/Leedahay khibrad iyo aqoon OpenERP/Odoo software-ka waa muhiim.
  • Leeyahay/Leedahay khibrad iyo aqoon xog kaydiyaha MySQL ama PostgreSQL waa muhiim.
  • Aqoon fiican u leeyahay/leedahay isticmaalka iyo dayactirka mareegaha (Website) iyo ageega WordPress/cPanel-ka.
  • Diyaarinta warbixin saddex biloodle ah oo ku saabsan agabka ICT-ga iyo warbixin hawleed bille ah.
  • Bixinta tababar/kaalmo shaqaalaha WBH, ee isticmaalka qalabka ICT-ga.
  • Samaynta wixii kale ee waajibaad/masuuliyado kale sida loogu baahdo.

SHURUUDAHA LAGA RABO

  • Shahaado jamacadeed oo ICT ama Computer Science ah.
  • Ugu yaraan khibrad 2 sanno oo IT-ah
  • Dabeecad wanaagsan iyo dad la dhaqan fiican.
  • Khaadhka dhalashada Somaliland.

 

SIDA LOO SOO CODSANAYO:

Fadlan keen xafiiska Shaqaalaha ee WBH ama ku soo dir iimaylkan:  jobs@hargeisawateragency.com 

  1. Codsi Shaqo (CV)
  2. Nuqul Shahaadada iyo Shaxda Darajada (Transcript) ee Jaamacada
  3. Wixi dhukumanti muhiim ah ee shaqada taageeraya
  4. Nuqul Kaadhka Dhalashada Somaliland

Ugu danbayn 25 – 11 – 2023, 12:00 Duhurnimo.

About The Author