Select Page

Wakaaladda Biyaha Hargaysi oo Hirgalisay Xafiis Cusub oo GIS-ka ah.

Wakaaladda Biyaha Hargaysi oo Hirgalisay Xafiis Cusub oo GIS-ka ah.

Wakaaladda Biyaha Hargaysi waxay hirgalisay Xafiiska GIS-ka sannadkii hore ee 2022, xafiiskan oo qaabilsan kaydinta iyo ilaalinta xogta kaabayaasha biyaha, waxa la siiyey shaqaalaha GIS-ka tababar heer sare ah oo ay bixineen khubaro  ku takhasustay GIS-ka, waxaana loo dhamaystiray dhamaan qalabkii ay u baahnaayeen . Shaqooyinka uu qabto xafiiska cusubi waxaa ka mid ah:

  1. Ururinta iyo Maaraynta Xogta Dhuumaha Biyaha ee kala duwan, Hubinta saxnaanta tayada dhuumaha biyaha iyo diiwaangelinta goobaha macaamiisha Wakaaladda Biyaha (Customer Locations) iyadoo la dhameeyay boqolkiiba afartan (40%)
  2. Maabaynta qalabka biyaha ee kala duwan, samaynta khariiradaha goobaha biya leh ee caasimadda iyo taageerida mashaariicda biyo balaadhinta. Waxa la ururiyay xogta GIS-ka ee goobaha Biyo-Soo -Saarka sida Ceelasha , Dhuumaha biyaha ee Geed Deeble ilaa Hargeysa iyo Xarunta Biyo Soo-Saarka Geed Deeble ( Geed Deeble Pumping Station)
  3. Isku-xidhka xogta GIS-ka iyo nidaamyada kale ee Wakaaladda, lashaqaynta waaxyaha kala duwan ee Wakaaladda Biyaha.
  4. Samaynta dukumentiyada iyo habraacyada GIS-ka ee Wakaaladda iyo daabacaada maababka guud ee Wakaaladda Biyaha.

Ujeeddada Wakaaladdu u aasaastay Xafiiska GIS-ka waa in guud ahaan Xogta Biyaha Hargeysa loo kaydiyo si casriya, arintan oo ka dhigaysa nidaamyada Tiknoolajiyadda casriga ee Wakaaladdu kuwo is-ku-wada xidhan ama wada-shaqaynaya, si loo fududeeyo Adeeg bixinta Wakaaladda Biyaha ee Caasimadda Hargeysa.

Waxa hirgalinta xafiiskan maalgalinteeda leh Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Waxaana tababarada shaqaalaha iyo dhismaha aqoontooda hor-kacaysa Khabiir Emily Barigye Atusasire oo ka socota Hay’adda Biyaha ee Dalka Uganda ee lagu magacaabo National Water and Sewerage Corporation (NWSC)

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka oo faahfahsan

About The Author