Select Page

Shaqaalaha Sheybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa waxay qaateen tababar ku saabsan

Shaqaalaha Sheybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa waxay qaateen tababar ku saabsan

Shaqaalaha Sheybaadhka Hubinta Tayada Biyaha Hargeysa ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa waxay qaateen tababar ku saabsan :
1. Dhamaystirka Qorshaha bedqabka biyaha ee Hargeysa ( Water Safety Plan )
2. Dhamaystirka goobaha tijaabada tayada biyaha ( Sampling Points )
3. Xaddiga milanka chlorine-ta ( Chlorine Concentration Determination)

Tababarkan oo qeyb ka ah Mashruuc u maalgelinayo Midowga Yurub oo lagu magacaabo “ EU WOP Programme” waxaa bixinaysay Khabiir ka socotay Wakaaladda Biyaha Dalka Uganda ee National Water and Sewerage Corporation of Uganda ( NWSC ).
Waxaa xusid mudan in Wakaaladda Biyaha Dalka Uganda iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa ay iska kaashanayaan Mashruucan oo ujeedadiisu tahay in la dhiso awoodda aqooneed iyo xirfadeed ee shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa . Mashruucan oo bilaabmay sannadkii 2022 , waxa uu dhamaanaya badhtamaha sannadka 2025…

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka oo faahfahsan

About The Author